Howlgalo ka dhan ah gaadiidka dadweynaha oo maanta billaabanaya

Waxaa la filayaa in saraakiisha ammaanka ay maanta billaabaan howlgallo ka dhan ah gaadiidka dadweynaha ee dadka kaxeeynaya aynan u hoggaansamin amarrrada Dowladda.
Tani ayaa ku soo aadaysa kaddib amar galinkii dambe ee shalay uu ku dhawaaqay wasiirka wasaaradda gaadiidka Mr. James Macharia oo digniin adag u diray gaadiidleyda oo uu sheegay in badankoodu aynan u hoggaansameyn amarradii la dul dhigay.
Waxyaabihii Dowladda ay maalmo ka hor shaacisay waxaa ka mid ahaa in la dhimo tirada rakaabka ee gaariga ku safraya, inay nadaafadda ku dadaalaan sido kalena rakaabka aynan aad isugu dhawaan.
Wadayaasha mootooyinka ayaa lagu amray inay qaadaan hal qof oo keliya, wadaha iyo qofka mootada saaran inaynan isku dhawaan sido kalena ay labaduba maaskaro xirtaan.
Wasiirka oo gaadiidleyda dalka ugu baaqay inaynan fududeysan amarrada Dowladda ayaa dhanka kale kuwa iska dhaga tiro u sheegay in lagala laabanaya leesimada shirkadaha iyagana maxkamad la geeynaya si dacwad loogu soo oogo.
Macharia ayaa xusay in iyadoo la adeegsanaya sharciga caafimaadka dadweynaha wadayaasha baabuurta ay dadweynaha raacaan iyo mootooyinka lagula xisaabtami doono inay faafinayaan fayraska coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here