Howlgalo ka dhan ah soogalootiga oo Maraykanka ka billaabanaya

59

Maraykanka ayaa maanta oo axad ah la filayaa inay ka bilowdaan howlgalo ballaaran oo ka dhan ah dadka loogu yeero soogalootiga.
Madaxweynaha Maraykanka Mr.Donald Trump ayaa jimcihii sheegay in howlgaladan ay yihiin kuwo lagu soo tarxiilayo dadka halkaasi sida sharci darrada ah ku joogo.
Waxaa uu tallaabooyinka la qaadayo ku tilmaamay kuwo baaxad leh oo si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo dadka gaysta falal dambiyeedyada.
Howlgalada ayaa laga cabsi qabaa inay saameyaan boqolaal qoysas ah oo ku nool 10 magaalo oo Maraykanka ka tirsan kaddib amar dhawaan uga soo baxay maxkamad halkaasi ku taalla.
Xubnaha qoysaskaasi ayaa lagu amray inay dalkaasi isaga baxaan balse waxay u muuqataa inaynan go’aankaasi u hoggaansamin.
Bishii hore ayay ahayd markii Mr.Trump uu shaaca ka qaaday howlgaladan ka hor inta uunan dib u dhigin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here