Howlgalo ka socda gobolka shabeelada Hosse.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa lagu soo waramayaa inay saakay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, oo ay shalay dagaalo ka dhaceen.
Deegaannada ay dhaq dhaqaaqyada Ciidan ka socdaan waxaa kamid ah tuulooyin hoostaga degmada Walanweyn agagaarka Saldhiga Ciidamada Balli-Doogle ee shalay la weeraray,deegaannada Bariire iyo Awdheegle halkaasoo shalay gelinkii dambe ay dagaalo ka dhaceen.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay inay wadaan howlgallo kale oo ay ku doonayaan inay Shabaab kaga saaraan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose,isla markaana ay baadi goob ku hayaan Xubnaha Al-Shabaabka ah ee Saldhigyada Ciidamada soo weerara.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo kala duwan Sanadkaan waxay ka sameeyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose waxayna kula wareegeen degmada Awdheegle, deegaannada Sabiib & Caanoole,halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen Dagaalameyaasha Al-Shabaab.
Dhanka kale Taliska Ciidamada Mareykanka ee Sugan Qaarada Afrika ee (Africom) ayaa ka hadlay weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee Al-Shabaab ay Shalay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Mareykanka & kuwa Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Garoonka Diyaarahada ee Balli-Doogle Gobolka Shabeellaha Hoose.
War Qoraal ah oo kasoo baxay Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Dowladda Somaalia iyo Saaxiibadooda Mareykanka ay jawaab culus ka bixiyeen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay fuliyeen laba duqeyn oo dhinaca cirka ah ayna ku bur buriyeen laba Gaari oo ay lahaayeen Al-shabaab.
Sidoo kale Mareykanka wuxuu sheegay in duquyntaas ay ku dileen 10 Xubnood oo Al-Shabaab ka tirsan,wallow aysan Faahfaahin intaas dheer ka bixin.
Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee howlgallada u qaabilsan Qaarada Afrika William Gayler ayaa sheegay in weerarkii ay soo qaadeen Shabaab uu fashilmay dhanka kalena ay cadeyn u tahay halista ay Shabaab ku hayaan Mareykanka iyo Saaxiibadooda, balse taasi aysan hakin doonin dagaalka ay kula jiraan Kooxaha loogu yeero Argagaxisada.
Ugu dambeyn Qoraalka ka Soo Baxay Ciidamada Africom ayaa lagu sheegay in dad rayid ah uusan khasaare kasoo gaarin duqeynta iyo weerarkii Al-Shabaab ee Balli-Doogle midna.
Al-Shabaab ayaa dhankooda war ay soo saareen waxaay ku sheegeen inay weerarkaas ku dileen in ka badan 100 Askari halka Saraakiisha Ciidamada Dowladda dhankooda ay sheegeen inay dileen dhamaan Xubnihii soo weeraray ee Al-Shabaabka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here