Howlgalo Laga Sameeyey Degmooyinka Ka Mid ah Gobalka Banaadir.

Ciidamada Booliska Somaliya ayaa hawlgal gaar ah oo ammaanka lagu xaqiijinayay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay Degmooyinka Hodan, Wadajir, Xamar Weyne iyo Warta Nabadda.

Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaa lagu soo qab qabtay Dhalinyaro tiradooda ay gaareyso 30 qof oo ku kala eedeysan dambiyo kala duwan.

Taliye kuxigeenka Booliska Somaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay dadka la soo qabtay inay isugu jiraan xubno loo heysto ka mid ahaanshiyaha Al Shabaab iyo qaar kale oo lagu eedeynayo inay dhac u geysteen dad shacab ah.

“Waxaa hawlgal ay sameeyeen Ciidanka Booliska lagu soo qab qabtay dhalinyaro badan oo dambiyo kala duwan loo heysto, sharciga ayaa la horgeyn doonaa dhammaan, waxaan mar walba u taaganahay inaan ka hortagno dhibaatooyinka ku wajahan shacabka”. ayay tiri Gen. Zakiya.

Taliye kuxigeenka Booliska ayaa shacabka uga mahadcelisay sida ay fariimaha la xiriira amniga ugu soo gudbinayaan Number-ka 991, waxayna ka codsatay inay kordhiyaan wada shaqeynta kala dhaxeysa Hay’adaha ammaanka.

Booliska Somaliya ayaa kordhiyay hawlgalada ammaanka lagu xaqiijinayo tan iyo markii la guda galay Bisha Barakeysan ee Ramadaan, si looga hortago khataraha amni daro ee ka imaan kara Shabaab iyo Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here