Howlgalo Qorshaysan oo laga Fuliyay gobolka Mudug

Ciidamad xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21aad ee ka howlgalla deegaannada Maamulka Galmudug ayaa xalay waxaay howlgal qorshaysan ka fuliyeen Guri ku yaalla Degaanka Wargalo Ee ka tirsan Gobolka Mudug.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa waxay warbaahinta gudaha u sheegeen in Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay galeen Guri ku yaalla deegaanka Wargalo,isla markaana ay is rasaaseyn kooban dhex-martay Ciidamada dowladda iyo Nin hubeysnaa oo Guriga ku sugnaa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in israsaaseynta uu ku dhaawacmay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda,waxaana saraakiisha Ciidamada aysan weli wax faah faahin ah ka bixin u jeedka Guriga howlgalka looga fuliyay iyo waxa uu ahaa Ninka dagaalamay ee ku sugnaa Gurigaasi.
Ciidamada Dowladda ee ku sagan deegaannada Maamulka Galmudug ayaa dhowr jeer waxaay howlgallo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolkaas gaar ahaan deegaanka Camaara,waxaana jiray dagaal ay la galeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo halkaas ku sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here