Howlgalo Shabaab ka dhan ah oo ka dhacay labada Shabeelle

Ciidanka kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliya ee Gor-Gor iyo guutooyinka 7-aad iyo 3-aad ee ayaguna ka tirsan Ciidamada xoogga dalka ayaa hawlgal qorsheysan waxay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkaan ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaay sheegeen inay ku burburiyeen Xarun Maxkamad ah oo ay lahaayeen dagaalameyaasha Al-Shabaab oo ku taallay Tuulada Basra ee degmada Balcad iyo Sarkaalkii Al-Shabaab ugu magacaawnaa Tuuladaas.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya s/guuto Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Idaacadda codka ciidamada qalabka Sida ku hadasha u sheegay in ujeedka hawlgalka uu yahay bur-burinta goobaha ay Al-Shabaab lacagaha uga qaadaan dadka shacabka ah ee deegaanadaasi ku nool, isaggoo xusay in ciidanka ay la wareegeen Goobo badan oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Jenaraal Odawaa ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka xooggu ay u diyaarsan yihiin siddii dalka oo dhan looga saari lahaa dagaalameyaasha Al-Shabaab, in kastoo inta badan Saraakiisha Ciidamada ay sheegaan hadalladaas balse aan wali si rasmi ah loogu guulaysan cirib tirka AL-shabaab.
Maalmo ka hor ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxaay dagaal kula waregeen degaannada Basra iyo Daniga-Baalow oo ka tirsan degmada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe, kuna yaalla wadada xiriirisa degmooyinka Balcad & Afgooye, halkaasoo muddo sanado ah ay ku sugnaayeen Al-Shabaab sidoo kalena ay weeraro kala duwan ka gaysan jireen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here