Howlihii maxkamadaha ee Mombasa oo hakad la geliyay

Howlihii maxkamadaha ee magaala xeebedka Mombasa ayaa hakad la geliyay kaddib markii 11 shaqaale oo ka hawlgalayay maxkamadahaasi laga helay cudurka coronavirus.
Madaxa cadaalada ee dalka David Maraga ayaa ku dhawaaqay mamnuuca howlaha maxkamadaha ee Mombasa.
Bayaan ka soo baxay xafiiska madaxa cadaaladda ayaa lagu shaaciyay in 11ka shaqaale ay ka mid ahayeen 117 kiis oo shalay la diiwangeliyay.
Madaxa cadaalada ayaa si kastaba ha ahaatee sheegay in khadka internetka ama qaab online adeegyada kale ee tooska ah loo isticmaali doono maxkamdda marka ay suuragal tahay.
Dadka laga helay ayaa waxaa ku jiray saraakiisha Garsoorka iyo shaqaalaha diiwaangelinta waxaana dadka ka shaqeeya maxkamadaha Mombasa ay gaarayaan 118 saraakiil ku waas hadda galayo 2 todobaad oo karantiil ah.
Todobaad ka hor ayey ahayd markii maxkamdaha dalka dib loo furay.
Maxkamadaha Mombasa ayaa dib loo furay kaddib markii ilbaabada loo laabay 24-kii bishii Maarso ee sannadkan sababa la xiriira cudurka Covid-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here