Howlwadeenada caafimaadka ee Kisumu oo shaqa joojin ku dhaqaaqay

Adeegyada caafimaadka ee ismaamulka Kisumu ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku timaado kaddib markii howlwadeenadii ka shaqeynayay isbitaalada kala duwan ay shaqa joojin guda galeen.
Guddoomiyaha dalladda dhakhaatiirta qaabilsan bixinta daawooyinka laanteeda dowlad deegaankaasi Mr Vincent Owaa ayaa shacabka uga digay inay daryeel caafimaad ka raadsadaan isbitaalada dowladda isagoo u sheegay inuunan jirin dakhtar takhasus leh oo hadda shaqeynaya.
Tallaabada ay saraakiisha caafimaad qaadeen ayaa timid kaddib markii ay dhammaatay muddo toddobo maalmood ah oo ay ka war sugayeen dowladda ismaamulkaasi.
Waxay dalbanayaan in si dhameystiran loo siiyo musharaadkii bilihii toddobaad iyo sideedaad ee sannadkan.
Xoghayaha ururka qaran ee kalkaaliyaasha dalka ee KNUN laantiisa Kisumu ,Mr Maurice Opetu ayaa hoosta ka xarriiqay in shaqa joojintan ay noqon doonto mid aan horay loo arag.
Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray inaynan shaqooyinkooda dib ugu laaban doonin ama wax wada hadal ah la yeelan doonin dowladda ismaamulka Kisumu ilaa iyo inta laga dhaqangelinayo dalabaadkooda oo ay ka mid tahay dallacsiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here