Howlwadeenada caafimaadka ee Mombasa oo meesha ka saaray qorsho shaqo joojin

Saraakiisha caafimaadka ee ismaamulka Mombasa , gobolka xeebta ayaa meesha ka saaray digniin ku aadaneyd inay shaqa joojin ku dhaqaqayaan.
Waxay qorshahoodii hakiyeen muddo 30 cisho ah kaddib heshiis la gaaray.
Ururada kala duwan ee caafimaadka ee Mombasa ayaa go’aankan ku dhawaaqay kaddib kulan ay la qaateen dowladda ismaamulka iyo waaxda shaqaalaha.
Xoghayaha dowladda ismaamulka Mombasa Dennis Lewa ayaa sheegay in si qoto dheer loo eegay tabashooyinka dhakhaatiirta ugu dambeyna heshiis la gaaray.
Waxaa lagu heshiiyay in muddo 5 sano gudahood la diyaariyo qorshaha dallacsiinta iyo daryeelka saraakiisha caafimaadka ee ismaamulkaas.
Dowladda hoose ee Mombasa ayaa ballanqaaday inay wajiyo kala duwan u dallacsiiso dhakhatiirta heerarka kala duwan laga billaabo bishan toddobaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here