Howlwadeenada caafimaadka ee Vihiga oo shaqa joojin ku guda jiro

Dhakhaatiirta ismaamulka Vihiga ee galbeedka dalka ayaa ku guda jiro shaqo joojin saameysay howlaha isbitaalka guud ee dowlad deegankaas.
Waxay cabasho ka muujinayaan mushaaraad ka soo dib dhacay iyo xaalado aan wanaagsaneyn oo ay ku shaqeeyaan.
Sido kale Dowladda ismaamulkaas ayay ku eedeynayaan inaynan qaadin tallaabooyinka habboon oo ay ka mid tahay in si weyn loo qalabeeyo xarumaha caafimaad

Barasaabka Vihiga Mr. Wilberforce Otichilo ayaa dhankiisa shaqa joojinta howlwadeenada caafimaadka ku tilmaamay mid aan daacad laga ahayn.
Waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin xallinta tabashooyinka jiro hase ahaate iyadoo xaalad adag lagu jiro aan cidna laga ogolaan doonin inay shaqa joojin sameyso.
Waxaa uu saraakiisha caafimaadka ugu baaqay inay soo afjaraan shaqa joojinta hadii kale tallaabo sharciyeed laga qaadaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here