Howlwadeenada ismaamulka Kisumu oo guriyaha ka soo shaqeynaya

Barasaabka ismaamulka Kisumu Prof. Anyang Nyong’o ayaa shaqaalaha dowlad deegaankaas ku amray inay waajibaadkooda gutaan iyagoo guriyahooda ku sugan.
Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Covid-19 ee loo yaqaano Coronavirus kaasoo ilaa iyo hadda gudaha wadanka laga xaqiijiyay 28 kiis oo la xiriira.
Waxaa ismaamulka Kisumu inay shaqeeyaan loo ogol yahay oo keliya saraakiisha waaxyaha bixiya adeegyada aasaasiga ee lagama maarmaanka ah.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo in ka badan 60 qof ay si iskood ah u ogoladeen in la baaro kaddib markii ay ka qeyb galeen aas ka dhacay deegaanka Ugunja.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here