Human Rights Watch oo sheegtay in carruurta bulshada Rohingya aynan waxbarasho helin

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in dowladda Bangladesh aynan fursado waxbarasho siin boqolaal kun oo ka mid ah bulshada qaxootiga ee Rohingya.
Maanta oo talaado ah ayay hay’addan maamullada Bangladesh ugu baaqday inay qaadaan xayiraadda dhanka tacliinta ee saaran xeryaha qaxootiga.
Warbixintan arrimahan lagu sheegay ayaa loogu magacdaray ‘Are we not human?’ oo ay micnaheedu tahay miyaanan bani’aaddan ahayn.
Dowladda Bangladesh ee qaabishay dadka ka soo barakacay dalka Myanmar ayaa lagu dhaliilay inay ku xadgudubtay xuquuqda 400,000 oo carruur ah.
Agaasimaha hay’addan u qaabilsan dhanka xuquuqda carruurta Bill Van Esveld ayaa sheegay in cidna ay dani ugu jirin carruur laga hor istaago inay waxbarasho fursad u helaan.
Bishii sideedaad ee sannadkii 2017-kii ayay ahayd markii in ka badan 740 kun oo ka mid ah bulshada laga tirada badan yahay ee Rohingya ee dalka Myanmar ay u qaxeen dhinaca Bangladesh kaddib howlgallo milatari oo laga sameeyay gobolka Rakhine oo ay saameyn ka soo gaartay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here