Hungary oo uunan ka dhici doonin dabaal degga qaran

Dowladda dalka Hungary ayaa meesha ka saartay dabaaldegyo qaran oo qorsheysnaa oo lagu waday in la qabto 20-ka bisha sideedaad ee sannadkan.
Tallaabadan ayaa ka mid ah dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID19.
Madaxa shaqaalaha ee xafiiska ra’iisul wasaaraha wadankaas Viktor Orban , Gergely Gulyas ayaa sidatan warbaahinta u sheegay.
Hungary ayaa horay u qaadday in badan oo ka mid ah xayiraadihii la soo rogay bishii shanaad.
Sido kale waxaan ilaa iyo 15-ka bisha sideedaad la ogolayn isku soo baxyada ay isugu tagaan in ka badan 500 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here