Idaacada Star FM oo kaalin wayn ka qaadatay wacyi gelinta Coronavirus

Bilihii ugu dambeeyay idaacada Star Fm ayaa waday dadaalo ay ku wacyi gelinayso dhamaan dhageestayaasheda.
Wacyi gelinta ayaa ka dhan ah halista cudurka COVID-19 iyo sida looga hortago.
Idaacadda oo qorsheyneesa inay u dabaaldegto sannad-guuradeedii 15-aad ee jiritaanka bisha soo socota ayaa safka hore kaga jirta sidii looga jawaabi lahaa faafitaanka Corona, iyadoo lagu barayo xubnaha ugu badan bulshada Soomaaliyeed ee muslimiinta ah.
Idaacada ayaa hadda bilawday barnaamij ama xubin cusub oo ah ka hor tagga fayraaska koroona oo maalin walbo warka ka dib hal qoddob ay ku dhageeysanyaan.
Sahan ay sameeysay Star Media Development Centre (SMDC) ayaa lagu oggaaday in boqolkiiba 82 bulshada Soomaaliyeed ay aaminsanayn in uu jiro coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here