Idaha dunida ugu qaalisan oo lagu iibsaday 53 milyan

Neef ido ayaa lagu iibsaday 53 milyan oo shilinka dalka ah.
Arrintan ayaa ka dhacday munaasabad xaraash ah oo lagu qabtay Scotland.
Nin lagu magacaabo Charlie Boden ayaa lagu soo warramaya in uu iibsaday idahan loo yaqaano Double Diamond.
Idahan ayaa da’adiisu lagu sheegay 6 bilood sidoo kalena waxaana tartan xoogan loo galay in la iibsado.
Neefkan idaha ayaa halkaasi caan ka ah islamarkaana dadka si weyn u xiiseeyaan.
Maaha markii ugu horeesay oo qiimo sare lagu iibiyo neef ido ah dhankaasi iyo Scotland, 11 sano ka hor ayey ahayd markii 33 Milyan lagu kala iibsaday.
Idahaan ayaa caan ka ah qaaradaha Yurub, Australia, Afrika iyo Konfurta Amerika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here