IEBC oo isniinta go’aan ka soo saari doonto cabasho uu gudbiyay musharaxa Jubilee ee Kibra

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa sheegay in maalinka isniinta ee toddobaadka soo socdo uu go’aan ka soo saarayo cabasho uu u gudbiyay musharaxa xisbiga Jubilee ee doorashada ku celiska , deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi.
Macdonald Mariga oo ayaa walaac ka muujiyay in lagu wargeliyay in magaciisa aan laga helin liiska codbixiyayaasha dalka.
Sababtaasi awgeed ayaa looga mamnuucay inuu u tartamo qabashada xilka xildhibaananimo ee deegaanka Kibra oo bannaanaaday kaddib markii cudurka Kansarka uu u geeriyooday Ken Okoth oo dadweynaha halkaasi ku nool baarlamaanka ku matalayay.
Guddiga IEBC u qaabilsan dhageysiga cabashooyinka ayaa maanta kulan la qaatay dhanka Jubilee.
Waxaa si gaar ah loo eegi doonaa waxyaabaha lala wadaagay oo wada tashi dheeraad ah kaddib go’aan laga soo saarayo 16-ka bishan oo isniinta ku beegan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here