IEBC oo maanta go’aan ka soo saari doonto cabasho uu gudbiyay musharaxa Jubilee ee Kibra

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa jimcihii la soo dhaafay sheegay in maanta oo isniin ah uu go’aan ka soo saarayo cabasho uu u gudbiyay musharaxa xisbiga Jubilee ee doorashada ku celiska , deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi.
Macdonald Mariga oo ay Jubilee u soo xulatay inuu ku matalo loolaanka xildhibaananimo ee deegaankaasi ayaa walaac ka muujiyay in lagu wargeliyay in magaciisa aan laga helin liiska codbixiyayaasha dalka.
Sharciga dalka u degsan ayaa dhigaya in si qofku uu xil siyaasadeed ugu tartamo ay khasab tahay inuu codbixiye kenyaan ahaan iskudiiwaangeliyay.
Maadaama IEBC ay sheegtay in macluumaadka cayaaryahaankan hore aan diiwaanka rasmiga ee codbixiyayaasha dalka laga helin waxay taasi ka mamnuucday inuu u tartamo qabashada xilka xildhibaananimo ee deegaanka Kibra.
Kursi baarlamaneedkan ayaa bannaanaaday kaddib markii cudurka Kansarka uu u geeriyooday Ken Okoth oo dadweynaha halkaasi ku nool baarlamaanka ku matalayay.
Guddiga IEBC u qaabilsan dhageysiga cabashooyinka ayaa maalmo ka hor kulan la qaatay dhanka Jubilee.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay guddiga ayaa si gaar ah u eegayay waxyaabaha lala wadaagay oo wada tashi dheer la filayo in maanta go’aan kama dambeys ah laga soo saaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here