IEBC oo shaacisay amarro ku saabsan COVID-19 iyadoo la qabanaya doorashooyin ku celis ah

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa soo saaray qodobbo dhowr oo ay Khasab tahay in la raaco iyadoo la qabanaya doorashooyin ku celis ah.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay inay wasaaradda caafimaadka la kaashadeen xaqiijinta xakameynta COVID19 gaar ahaan goobaha lagu codeynaya.
Doorashooyinka ku celiska oo ay ka mid tahay midda xildhibaananimo ee deegaanka Msambweni ayaa la qorsheynayaa 15-ka bisha Diseembar ee sannadkan.
Tallaabooyinkan waxaa ka mid ah isticmaalka afxirka, kala fogaanta codbixiyayaasha iyo sidoo kale gacmo dhaqashada.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here