IEBC oo sheegtay inay diyaar u tahay doorasho hadii baarlamaanka la kala diro

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa sheegay inuu awood farsamo u leeyahay qabashada doorasho ku celis ah hadii baarlamaanka la jebiyo sida uu ku taliyay madaxa caddaaladda David Maraga.
IEBC ayaa hoosta ka xarriiqday in ay codeynta deegaan baarlamaneedyada ku qabsoomi karto muddo 90 cisho gudaheed ah.
Prof. Cabdi Yaaquub Guuliye oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee guddiga IEBC ayaa aqalka sare u sheegay inay diyaar yihiin oo ay u baahan yihiin oo keliya miisaaniyad loo qoondeeyo.
Waxaa uu intaa ku daray in guud ahaan deegaanada kala duwan ay ka howlgalaan 900 oo ah shaqaalaha guddigan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here