IEBC oo sheegtay inay diyaar u tahay maareynta doorashada berri Kibra ka dhacaysa

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa shaaca ka qaaday inuu si buuxda ugu diyaar garoobay maareynta doorashada ku celiska ah ee berri lagu qabanayo deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi.
Musharaxiin dhowr ah oo matalaya xisbiyo kala duwan ayaa loolan ugu jiro inay buuxiyaan xilkii uu banneeyay Ken Okoth oo shacabka deegaankaasi ku matali jiray baarlamaanka.
Kursiga xildhibaananimo ee Kibra ayaa bannaanaaday bishii toddobaad ee sannadkan kaddib markii Mr. Okoth uu u geeriyooday cudurka Kansarka.
Siyaasiyiinta tartamaya ayaa ah ilaa 24 hasa ahaate waxaa ugu cadcad Bernard Otieno Okoth oo xisbiga ODM ka tirsan, McDonald Mariga oo ah musharaxa xisbiga Jubilee , musharaxa xisbiga ANC Eliud Owalo iyo dhigiisa Ford-Kenya Khamisi Butichi.
Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaankaasi ka socday olole xooggan oo ka dhexeya xisbiyada kala duwan taasi oo la soo gabagabeeyay isniintii maadaama sharciga doorashooyinka ee dalka uu dhigayo in 48 saacadood codeynta ka hor uunan olole siyaasadeed jiri karin.
IEBC ayaa dadweynaha codkooda dhiibanaya ugu baaqday inay si nabad ah doorashada uga qeyb qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here