IEBC oo Soo Saartay Liiska Codbixiyayaasha Kibra

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa shaaca ka qaaday diiwaanka  liiska codbixiyayaasha  deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi.

IEBC ayaa sheegtay in deegaan baarlamaneedkaasi ay iska diiwaangeliyeen 118,658 qof  oo  lagu wado inay codkooda  dhiibtaan 7-da bisha  11-aad ee sannadkan.

Waxaa taariikhdaasi  Kibra ka dhacaysa  doorasho ku celis ah kaddib markii   bishii toddobaad ee sannadkan uu xanuunka Kansarka u geeriyooday xildhibaankii  shacabka halkaasi  ku nool baarlamaanka ku matalayay  Ken Okoth.

Guddoomiyaha guddiga  IEBC Mr. Wafula Chebukati, ayaa sheegay in liiskan la soo saaray kaddib xaqiijin iyo dabagal dheeraad ah oo la sameeyay.

IEBC ayaa sido kale  codbixiyayaal dhan 26,788  u wareejisay goobo    kale oo ay  ka codeynayaan.

Waxay doorashada ku celiska ee Kibra ka dhacaysa ilaa   36  goobood oo codbixinta loogu talagalay.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii siyaasiyiinta xisbiga ODM ay   guddiga ka dalbadeen inuu soo bandhigo  diiwaanka  la cusbooneysiiyay ee codbixiyayaasha.

Deegaanka Kibra waxaa maalmihii  ugu dambeeyay laga dareemayay  olole  ballaaran  oo ay hor kacayaan madaxweyne ku xigeenka dalka William  Ruto iyo madaxa mucaaradka  Raila Odinga oo labaduba ku dadaalaya  in  McDonald Mariga ama  Bernard  Okoth uu midkood guulaysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here