IEBC oo xaqiijinaysa saxiixyo lagu doonayo in xilka looga qaado barasaabka Taita Taveta

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa sheegay inay guda galayaan xaqiijin ay ku sameynayaan saxiixyo la soo aruuriyay oo ku aaddan sidii xilka looga qaadi lahaa barasaabka ismaamulka Taita Taveta ee gobolka xeebta , Granton Samboja.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii guddi ka tirsan aqalka sare uu sheegay in wakiilada golaha hoose ee Taita Taveta ay si sharci darro ah xilka uga qaadeen Mr. Samboja.
Senetarada ayaa baaritaano ay saameyeen kaddib xusay in mooshinkii ka dhanka ahaa barasaabka aan si sharci ah lagu meel marin.
Mr. Samboja ayay wakiilada ku eedeynayaan inuunan waajibaadkii loo igmaday sida habboon u gudah taasi oo uu beeniyay.
IEBC ayaa hadda looga fadhiyaa inay xaqiijiso in saxiixyada loo soo gudbiyay ay yihiin kuwo sax ah oo laga soo aruuriyay codbixiyayaasha ismaamulka Taita Taveta si tallaabada xigta loo qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here