IEBC oo xisbiyada siyaasadeed wax ka weydiinaysa qalalaase ka dhacay Kibra

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC ayaa u yeeray mas’uuliyiinta xisbiyada ODM, Jubilee, ANC iyo Ford-Kenya si wax looga weydiiyo rabshado maalmo ka hor laga soo tabiyay deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi.
Waxaa uu qorshuhu yahay in toddobada bisha 11-aad ee sannadkan deegaan baarlamaaneedkaasi ay ka dhacdo doorasho ku celis ah.
Musharaxiinta xisbiyada kala duwan ayaa doonaya inay buuxiyaan xilkii uu banneeyay xildhibaankii Kibra Ken Okoth oo bishii 7-aad ee sannadkan u geeriyooday cudurka Kansarka.
Siyaasiyiinta xisbiyada ee loo yeeray ayaa galinka dambe ee maanta ka soo hormuuqan doono Beatrice Muli oo IEBC u qaabilsan maareynta doorashada ku celiska ee deegaanka Kibra.
Dhinacyada tartamaya ayaa lagu eedeyay inaynan raacin qorshihii ololahooda ee ay horay u dejiyeen taasi oo isqabqabsi keentay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here