IGAD oo baaq u dirtay dhinacyada isku haya siyaasadda Galmudug

Urur Goboleedka IGAD ayaa war ka soo saaray Doorashada Madaxwaynaha iyo ku-xigeenkiisa Galmudug ee shalay ka dhacday magaalada Dhusamareb.
IGAD ayaa ugu baaqday dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay xaliso tabashada Ururka Ahlusunna wal jamaaca islamarkaana loo baahan yahay wada xaajood.
Warka kasoo baxay IGAD ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamulka Galmudug waxaa loo soo jeediyay inay ku dadaalaan midnimo iyo in dagaal laga baaqsado.
Bayaan ka soo baxay IGAD oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacadda Star Fm ayaa dhanka kale loogu hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee dowlad gobolkeedka Galmudug Axmad Cabdi Kariye (Qoor Qoor)
IGAD waxay sheegtay inay rajeynayso in codeynta lagu doortay kaariye ay xaaladdii caadiga ahayd soo celin doonto.
Sido kale qoraalka urur goboleedkan waxaa qeyb ka ah in madaxweyne Kaariye looga fadhiyo inuu diiradda saaro nabadda iyo ka shaqeynta danaha ka dhaxeeya shacabka Galmudug.
IGAD waxay ku celcelisay inay dhinacyada isku haya siyaasadda dowlad goboleedkaas ugu baaqayso inay wada shaqeeyaan oo ayna qaab wada hadal ah ku xalliyaan kala duwanaanshaha ka dhex jira.
Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay inuu sido kale la shaqeyn doono maamulka cusub ee Galmudug iyo dowladda federaalka soomaaliya .
Sido kale IGAD waxay shaaca ka qaadday inay diyaar u tahay in shacabka Galmudug ay ka caawiso miro-dhalka yididdiilada ay u qabaan horumar iyo nabad waarta.
Dowladda federaalka Soomaaliyay ayay IGAD ku ammaantay dadaaladii ay gelisay in la soo dhiso Galmudug cusub iyo dhexdhexaadintii ay wadday.
IGAD ayaa dhinacyada kala duwan ee Galmudug ugu baaqday inay ka fogaadaan fal kasta oo rabshad keeni karo, in tabashooyinka jira wada xaajood lagu dhameeyo iyo in mudnaanta koowaad la siiyo dib u heshiisiinta iyo nabadeynta si loo xoojiyo midnimada iyo isdhexgalka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here