IGAD oo boogaadisay dib u heshiisiinta beelaha Galmudug

Urur goboleedka IGAD ayaa bayaan uu soo saaray oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacadda Star FM waxaa uu sheegay in ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan soomaaliya Ambasadoor Maxamad Cali Guyo uu boogaanin u dirayo dhammaan dhinacyada kala duwan ee ku holwlan dib u heshiisiinta beelaha wada dego maamul goboleedka Galmudug.
Waxaa ammaanta qeyb ka ah in dadkaasi ay muujiyeen sida ay uga go’antahay in halkaasi uu ka dhismo maamul lagu wada qanacsanyahay oo dimuqaradiyad ku saleysan.
Ergeyga ayaa xusay inay aad muhiim u tahay in dib u heshiisiintu ay u dhacdo qaab nabad ah iyadoo cid walibana fursad la siinayo.
Sido kale waxaa uu Maxamad Cali Guyo ballanqaaday in urur goboleedka IGAD ay shacabka Galmudug ku garab taagan tahay dadaalada ay wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here