IGAD oo boogaadisay heeshiis ay gaareen madaxda Suudaanta Koonfureed

Xoghayaha urur goboleedka (IGAD), Dr Workneh Gebeyehu ayaa madaxweynaha Suudaanta Koonfureed Salva Kiir Mayardit iyo madaxa garabka mucaaradka Dr .Riek Machar ku ammaanay heshiis dhawaan la gaaray.
Dhammaan hoggaamiyaasha dalkaas ayaa sido kale lagu boogaadiyay kaalinta ay ka qaateen in la soo dhiso maamul laga mideysan yahay.
Mas’uulkan ayaa ku nuuxnuuxsaday in isaga iyo dalalka xubnaha ka ah IGAD ay taageero u hayaan dowladda cusub ee R-TGoNU.
Dhinacyada kala duwan ayuu ugu baaqay inay sii wadaan wada shaqeynta ka dhexeysa si ku meel gaar loo horseedo ugu dambeyna nabad iyo xasilooni waarta loogu soo dabaalo dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here