Iiraan oo Biden ugu baaqday inuu ka qaado cunqabateynta saaran

Wasirka arrimaha dibadda ee Iiraan Maxamed Javad Zarif ayaa sheegay in wadankiisa uu si buuxda u dhaqan gelin doona heshiiskii nukliyeerka ee sannadkii 2015-kii haddii madaxweynaha la doortay Joe Biden uu ka qaado cunaqabteynta.
Mr. Zarif ayaa sheegay in arrintan ay sida ugu fudud ku dhaqan geli karto haddii loo xil saaro guddi saddex geesood ah.
Biden ayaa horraan wacad ku maray inuu ku soo laaban doona heshiiskaas oo ay kala saxiideen quwadaha adduunka iyo Iiraan.
Wasiirka ayaa dalban magdhow maadaama sidaasi uu ku baaqay xilli hore madaxweyne Xassan Ruxani oo sheegay in Mareykanka ay khasab ku tahay inuu bixiyo khasaaraha ka dashay cunaqabateyntaas.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here