iiraan oo cambaareysay fal taliye looga dilay

Dowladda iiraan ayaa si kulul u cambaareysay duqeymo dhanka cirka ah oo ciidamada Maraykanka ay ku dileen madaxii saraakiisha kacaanka ee (IRGC) Qassem Soleimani.
Ninkan ayaa looga takhalusay weerar laga gaystay gagida diyaaradaha ee magaalada Baghdad ee Ciraaq.
Waxaa uu hoggaaminayay ciidamada loo xilsaaray xasilinta gobolka.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee iiraan Maxamad Javad Zarif ayaa dilkaasi cambaareeyay isagoo ku tilmaamay fal argagixiso oo caalami ah.
Mr. Zarif ayaa intaas ku daray in Maraykanka uu qaadanayo mas’uuliyadda la xiriirta saameynta ka dhalato falka uu ku kacay.
Aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo ee White House ayaa xaqiijiyay weerarka dhanka cirka ah ee Taliye Qassem lagu dilay.
Waxaa uu bayaan ku sheegay inuu salka ku hayo amar ka soo baxay madaxweyne Donadl Trump si looga hor tago weeraro ay iiraan soo qaaddo.
Weerarkaas ayaa sido kale lagu dilay taliyihii maleeshiyada Ciraaq Abu Mahdi al-Muhandis .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here