Iiraan oo dib u soo celisay adeegyada intarneetka

epa08003479 An Iranian man looks at his phone as internet service is reportedly disrupted, Tehran, Iran, 17 November 2019. According to reports, internet access has been limited in the country amid protests over increasing fuel price in Iran. EPA/ABEDIN TAHERKENAREH

Dowladda iiraan ayaa lagu soo warramayaa inay dib u soo celisay adeegyada intarneetka ee caasimadda Tehraan iyo gobolo kale oo dhowr ah.
Arrintan ayaa timid 5 maalmood oo wadankaasi ay ka socdeen dibadbaxyo qaran.
Mudaaharaadyada ayay dadweynaha uga soo horjeedaan in boqolkiiba 50 la kordhiyay qiimaha batroolka.
Maamulada dalkaasi ka jiro ayaa sheegaya in xaaladda la dejiyay oo sidii caadiga ahayd ay ku soo noqotay.
Wakaaladda wararka ee Fars ayaa ku warramaysa in adeegyada intarneetka si tartiib ah loo soo celinayo guud ahaan iiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here