Iiraan oo dishay nin daroogada ka ganacsado

Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa ku warramaysa in la dilay nin ay da’diisu tahay 36 sano oo lagu helay ka ganacsiga maandooriyaha.
Ganacsadahan ayaa lagu naaneysaa “Yaxaaska Gacanka Beershiya”.
Waxaa sido kale la baabi’iyay maandooriyihii uu ku howlanaa inuu dhoofiyo.
Daroogada lagu qabtay ka hor inta aan laga takhalusin ayaa lagu sheegay 100 tan.
Saraakiisha xukuumadda Tehraan ayaa laga soo xigtay in shakhsigan uu daroogada marsiinayay biyaha caalamiga ah.
Ninkan iyo caawiyahiisa ayaa la dilay kaddib sanado badan oo ay socdeen howlgallo dhanka sirdoonka ah.
Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa shaaca ka qaadday in maamulka dalkaas ka taliyo uu 2018-kii dilay ugu yaraan 253 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here