Iiraan oo Japan u sheegtay inaynan diyaar u ahayn xasarad dagaal

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee iiraan Maxamad Javad Zarif ayaa dowladda Japan u sheegay in xukuumadda Tehraan aynan doonaynin diyaarna u ahayn xasarad sare u sii kacdo.
Waxaa uu arrinkan u caddeeyay ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe oo uu kulan kula qaatay magaalada Yokohama ee u dhow Tokyo.
Dareenka Javad mid la mid ah ayaa waxaa horay u muujiyay madaxweynaha iiraan Xassan Ruuxaani.
Waxay labaduba hoosta ka xarriiqeen in dalkoodu uunan daandaansi wadin balse qaran waliba uu sida ku qeexan shuruucda caalamiga ah xaq u leeyahay inaan lagu xadgudbin.
Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump ayaa sheegay in iiraan xayiradaha saaran laga qaadayo oo keliya marka waqtiga iyo xaaladuhu ay fududeyaan.
Hasa ahaate dhigiisa xukuumada Tehraan , Xassan Ruuxaan ayaa wacad ku maray inaynan Maraykanka wax wada hadal ah la geli doonin ilaa iyo inta uu meesha ka saarayo xayiraadda uu u aaneeyay barnaamijka hubka nukliyeerka ee sida isdaba joogga ah uu ugu soo rogay.
Japan ayaa Maraykanka iyo iiraan labaduba saaxib dhow la ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here