Iiraan oo ka digtay in la soo dhiso iskaashi u dhexeya ciidamada badda ee caalamka

Saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda iiraan ayaa ka digay in la soo dhiso iskaashi caalami ah oo ku aaddan ciidamada badda oo laga howlgeliyo gacanka carbeed.
Tallaabadan ayay sheegeen inay gobolkaasi u horseedeyso xasilooni darro.
Digniinta xukuumadda Tehran ayaa timid kaddib markii wadamada Talyaaniga, Denmark, Netherlands iyo Faransiiska ay soo dhaweyeen soojeedin ka timid ingiriiska taasi oo ahayd in la soo dhiso ciidanka badaha oo ay ku mideysanyihiin wadamada qaaradda Yurub.
Iiraan ayaa dhankeeda ingiriiska ku eedeysay inuu fulinayo danaha Maraykanka waxayna dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo siidayso markab ay ka qabsatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here