Iiraan oo maanta masaajidda dib u furaysa

Dowladda dalka Iiraan ayaa la filayaa in laga billaabo maanta ay dib u furto masaajidda.
Wakaaladda wararka ee IRIB ayaa ku warramaysa in goobaha cibaadada si ku meel gaar ah loo furaya.
Agaasimaha hay’adda islaamiga ee horumarka Maxamad Qomi ayaa sheegay in go’aankan la qaatay kaddib wada tashi lala sameeyay wasaaradda caafimaadka.
Mr.Qomi ayaa hoosta ka xarriqay in masaajidda ay furnaanayaan oo keliya saddex cisho oo ka mid ah habeennada ramadaanka.
Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa iyadoo qeybo ka mid ah wadanka Iiraan laga diiwaangeliyay kiisas hor leh oo la xiriira caabuqa corona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here