Iiraan oo sheegtay in dad loo xiray diyaaraddii Ukraine ee burburtay

Waaxda garsoorka ee wadanka Iiraan ayaa maanta oo Talaado ah sheegtay in eedeysanayaal dhowr ah la xiray kaddib markii lala xiriiriyay shilkii maalmo ka hor ee ay ku burburtay diyaarad rakaab oo laga lahaa Ukraine.
Diyaaraddaas oo ku soo dhacday meel aan sidaasi uga fogeyn magaala madaxda Iiraan ee Tehraan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 176 qof.
Iiraan oo lagu eedeyay inay gantaal ku soo ridday ayaa iska fogeysay in kastoo markii dambe ay qiratay inay si aan ula kac ahayn u soo ridday.
Afhayeenka waaxda cadaaladda ee Iiraan Gholamhossein Esmaili ayaa ka hadlay xarigga eedeysanayaasha in kastoo uunan faahfaahin dheeraad ah bixin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here