Iiraan oo sheegtay in Maraykanka uu daandaansanayo

Dowladda iiraan ayaa faahfaahin ka bixisay tallaabadii shalay ay ku soo ridday diyaarad laga leeyahay Maraykanka iyadoo sheegtay in xukuumadda Washington ay ku howlantahay waxaa ay ugu yeertay daandaansi aan geed loogu soo gabban.
Iiraan ayaa intaasi ku dartay in diyaaradda la soo riday ay ahayd mid halis ah.
Hasa ahaate Maraykanka ayaa tallaabada Tehraan ku micneeyay weerar aan loo dulqaadan Karin oo lagu hayo hawada caalamka.
Ergeyga iiraan u qaabilsan qaramada midoobay, Majid Takht Ravanchi ayaa warqad cabasho ah u qoray xoghayaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Mr. Antonio Guterres iyo golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Waxaa uu mas’uulkan warqaddaasi ku xusay in Maraykanka uu sameeyay xadgudub cad oo ka dhan ah shuruucda caalamiga.
Sido kale waxaa uu labada dhinac u sheegay in iiraan aynan daneynayn inay wadan kale dagaal la gasho balse ay xaq u leedahay inay iska difaacdo gar darro kasta oo lagu kaco.
Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Mr. Antonio Guterres ayaa dhankiisa sheegay in dhacdadii ugu dambeysay ee dhex martay Maraykanka iyo Iiraan ay walaac ku beertay waxaa uuna labaduba ugu baaqay inay is-xakameyaan oo ayna ka fogadaan fal kasta oo xasaradda jirta sare u sii qaadi karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here