Iiraan oo sheegtay inay si shuruud la’aan ah maxaabiis ugu wareejinayso Maraykanka

Wargeyska Khabar Online oo soo xignaya afhayeenka dowladda Iiraan Cali Rabiei ayaa ku warramaya in dowladda dalkaas ay sheegtay inay diyaar u tahay in iyada iyo Maraykanka ay si shuruud la’aan ah maxaabiista u kala xiran isugu wareejiyaan.
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in Maraykanka uunan weli ka soo jawaabin codsi loo diray oo arrinkan ku aaddan.
Mr.Rabiei ayaa sido kale sheegay inay isku diyaariyeen wada hadalo ku saabsan maxaabiista la is dhaafsanaya.
Waxaa uu xusay inay ka walacsanyihiin caafimaadka iyo badqabka iiraaniyiinta ku jiro xabsiyada dalka Maraykanka.
Sido kale waxaa uu afhayeenka dowladda Iiraan hoosta ka xarriiqay in Maraykanka ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta badqabka dadka u xiran.
Maraykanka iyo Iiraan ayay xasarad sare ka dhexeysay tan iyo sannadkii 2018-kii kaddib marki Donald Trump uu shaaciyay inay isaga baxeen heshiis ku saabsanaan hubka nukliyeerka oo la saxiixday 2015-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here