Iiraan oo sheegtay inaynan dagaal diyaar u ahayn

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay inaynan diyaar u ahayn inay dagaal la gasho dal kale hasa ahaate aysan marnaba ogolaan doonin in la daandaansado.
Madaxa ciidamada kacaanka , Xussein Salami ayaa wakaaladda wararka ee FARS ee Iiraan u sheegay in kala duwanaanshaha u dhexeya xukuumada Tehraan iyo dowladaha kale ay tahay in Iiraan aynan ka cabsan dagaal in kastoo aynan jecleyn.
Waxaa sido kale dareenka taliye sare Salami mid la mid ah muujiyay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Maxamad Javad Zarif oo hoosta ka xariiqay inuunan rajeynayn in dagaal uu kala dhexeyo dowlad kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here