Iiraan oo soo saartay digniin ku aaddan Nukliyeerka

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iiraan Maxamad Javad Zariif ayaa wacad ku maray in hadii arrimaha ku saabsan hubka nukliyeerka loo bandhigo qaramada midoobay , xukuumadda Tehraan ay isaga baxayso heshiis horay loo saxiixday.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay in hadii galka barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan loo gacan galiyo golaha amaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhaxaysa aynan ka sii mid ahaan doonin is -afgaradkii loogu magac daray NPT.
Heshiiskan caalamiga ayaa ku saabsanaa ka hor tagga faafinta ama sii ballaarinta hubka nukliyeerka iyo teknolojiyadda la xiriirta.
Sido kale waxaa uu ku qotomay in si nabdoon la isaga kaashado isticmaalka quwadda hubkan waxaana la isla meel dhigay intii u dhaxaysay sannadihii 1965 iyo 1968-dii.
Wakaaladda wararka ee IRNA oo soo xiganaysa wasiirka arrimaha dibadda ayaa qortay in Iiraan ay tallaabo qaadayso hadii dalalka Yurub aynan soo afjarin waxa lagu tilmaamay dhaqan aan habbooneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here