Ilaalada la siiyo basaska u kala gooshaya Lamu iyo Garsen oo la kordhiyay

Ciidamada booliska ee gobolka xeebta ayaa sare u qaaday ilaalada la raaciyo shirkadaha basaska ee ku safro wadada u dhaxaysa ismaamulka Lamu iyo degmada Garseen oo ka tirsan dowlad deegaanka Tana River.
Taliyaha booliska ee gobolka Xeebta Rashiid Yaaquub ayaa sheegay in la kordhiyay tirada ciidamada iyo baabuurta ay adeegsadaan si loo badbaadiyo nolosha rakaabka.
Mr. Yaaquub ayaa xusay in horay laba baabuur ah oo ay boolisku leeyihiin ay raaci jireen basaska balse waxaa hadda laga dhigay afar gawaari.
Waxaa uu intaas ku daray in sido kale la xoojiyay amniga guud ee gobolka xeebta si looga hor tago falalka kooxaha argagixisada.
Dhanka kale waxaa bandow lagu soo rogay gaadiidka Lamu iyadoo amarkan uu shaqeynayo inta u dhaxaysa 10-ka habeenimo ilaa 4-ta subaxnimo.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu kulan la qaatay mulkiilayaasha shirkadaha basaska ee gobolka xeebta.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii bas lagu weeraray Lamu lagu dilay saddex qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here