Ilhaan Cumar oo ay mar kale guul u soo hooyatay

Ilhaan Cumar ayaa ku guulaysatay kursiga xisbigeeda ee aqalka wakiillada ee Maraykanka.
Xilli la qabtay doorashooyin hor dhac ah ayay Ilhaan loolanka kaga adkaatay Antone Melton-meaux iyo saddex musharrax oo kale.
Bisha 11-aad ee sannadkan ayay Ilhaan Cumar la tartami doonta musharaxa xisbiga Jamhuuriga.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twittarka ayay ku sheegtay inaynan guul u soo hooyan oo keliya balse ay heshay fursad kale oo ay isbeddel ku sameyn karto.
Waxay hoosta ka xarriqday in kastoo weeraro ka dhan ah ay jireen haddana in taageerada loo hayo ay sii korortay.
Sido kale Cumar Faatax oo ah nin dhalinyaro ah ayaa ku guuleystay kursi ka tirsan aqalka sare ee gobolka Minnesota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here