Imaaraadka oo 136.1 milyan oo doolar u adeegsanaya mashaariicda kaabayaasha

Dowladda isu tagga imaaraadka carabta ee UAE ayaa lagu wadaa inay dhaqaale gaaraya 500 milyan oo dirham una dhiganta 136.1 milyan oo doolar ay u adeegsato mashaariic dib loogu dhisayo waddooyin burburay.
Arrintan ayaa timid kaddib saameyn ka dhalatay daadad dalkaas ku dhuftay.
Waxaa uu burbur xooggan soo gaaray waddooyinka , buundooyin iyo dhismooyin dhowr ah.
Wasiirka wasaaradda horumarinta kaabayaasha Maxamad al-Nuaimi ayaa shaaca ka qaaday in la dhisi doono biyo xireeno iyo buundooyin dhowr ah.
Hasa ahaate waxaa uunan faahfaahin ka bixin magaalooyinka mashaariicdan laga fulinaya.
Wasiirka ayaa xusay inay casharro muhiim ah ka barteen roobabkii da’ay oo qaar ka mid ah mashruucyada ay billowdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here