IMF oo Kenya ku Ammaantay la Dagaalanka Musuqmaasuqa

IMFC Governors applaud after UN Secretary General Ban Ki Moon addressed them April 18, 2015 at the IMFC meeting at the 2015 IMF/World Bank Spring Meetings In Washington, DC. This was the first time a UN Secretary General has attended the IMFC meeting. IMF Staff Photo/Stephen Jaffe

Agaasimaha hay’adda lacagaha adduunka  IMF u qaabilsan qaaradda Afrika Abebe Selassie ayaa  maamulka  madaxweyne Uhuru Kenyatta ku ammaanay  sida uu ula dagaalamayo falalka wax isdabamarinta ee lagu lunsado kheyraadka dadweynaha loogu adeego.

Mr. Abebe ayaa xusay in Kenya  ay  jaha  wanaagsan  ku socoto marka loo eego dadaalka ay waddo.

Waxaa uu intaasi ku daray in hay’adda  IMF ay ku qanacsantahay kobaca dhaqaale ee wadanka oo isku celcelis ahaan u dhexeya boqolkiiba 5.5  iyo  6.0 .

Abebe ayaa xusay in Kenya ay gobolka ugu horreeyso  dhanka  isbeddelada   dhaqaale.

Hadalikan ayuu jeediyay xilli shalay uu madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu ugu tagay madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House.

Mr. Kenyatta ayaa dhankiisa IMF uga mahadceliyay tageerada dhanka farsmada ee ay u fidiso Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here