IMF oo shaacisay sida Afrika uga soo kaban karto saameynta Covid-19

Agaasimaha hay’adda lacagta adduunka ee IMF Kristalina Georgieva ayaa sheegtay in adduunka waajib ku tahay in uu caawiyo qaaradda Afrika si ay kaga soo kabato dhibaatada cudurka COVID19
Afrika waxaa ay kamid tahay qaaradaha ugu saameynta yar marka la eego fayraska corona.
Waxay IMF intaa ku dartay in hadda 43 milyan oo qof ay hadda khatar ugu jiraan saboolnimada uu sababay safmarka corona.
Saameynta dhaqaalaha waxaa ay sii jiri doontaa sanadaha soo socda qaaradda Afrika, sidoo kale shaqooyinka ayaa la waayi doonaa, dhakhliga qoysaska wuxuu hoos u dhici doon ilaa boqolkiiba 12%, sida ay sheegtay madaxa IMF Georgieva.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here