Imtixaanka Fasalka Sideedaad ee KCPE oo Maanta ka Billaabanaya Guud ahaan Dalka

Ugu yaraan hal milyan oo  arday ah ayaa lagu wadaa in laga billaabo   saaka ay  u  fariistaan  imtixaanka  qaran ee  fasalka sideedaad, dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da.

Shalay ayay ardayda   sameyeen  diyaargarowgii ugu dambeeyay iyadoo dowladdana ay sheegayso in imtixaanka  si weyn loo maareyn doono.

Wasiirka wasaaradda  waxbarashada ee dalka  Prof. George Magoha  ayaa  dhammaan kenyaanka u xaqiijiyay in dowladda  ay diyaarisay kheyraadka  iyo qalabka  walba oo loo adeegsanayo imtixaanada.

Arrintan ayaa  ku soo aadaysa   iyadoo qeybo ka mid ah wadanka ay ka da’ayaan roobab xooggan  waxayna wasaaraddu adeegsan doontaa diyaaradaha qummaatiga u  kaca ee Helikobtarka  si warqadaha loo gaarsiiyo xarumaha  ku yaalla degmooyinka ama ismaamulada aynan waddooyinkoodu wanaagsaneyn.

KCPE-da ayaa socon doonto muddo saddex maalmood ah halka guddiga adeegga macallimiinta ee TSC uu  howlgelinayo maamulayaal tiro ahaan dhan 28,000  si ay xarumaha kala duwan  ee imtixaanada lagu qabanayo ay u maamulaan.

Sido kale waxaa   dhaqdhaqaaqa  ardayda si dhow ula socon doono  173,000  macallimiin ah.

Xoghayaha wasaaradda   waxbarashada ee  dalka Dr. Belio  Kipsang ayaa sheegay  inay kaashanayaan  wasaaradda arrimaha gudaha si inta imtixaanada qaran lagu guda jiro uunan  wax khalkhal ah u dhicin.

Waxaa uu ka digay in la sameeyo fal walba oo  dhaawacaya  kalsoonida lagu qabi karo natiijada imtixaanada.

14-kii bishan  Tobnaad ayay ahayd markii   sii hayaha xilka  madaxa fulinta ee golaha  qaran ee imtixaanada (KNEC) Mercy Karogo ay  ku baaqday in wasaaradda  taageero buuxda lagu siiyo howshan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here