Imtixaannada qaran oo la sameyn doono bisha Afaraad ee sannadka 2021-ka

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa maanta sheegay in hadii dugsiyada wadanka dib loo furo bisha sagalaad ee sannadkan, imtixaannada qaran ee shahaaddiga ee KCPE-da iyo KCSE-da loo fariisan doono bisha Afaraad ee sannadka soo socdo.
Xilli uu ka soo hormuuqday guddiga tacliinta ee aqalka sare ayuu arrinkan shaaca ka qaaday.
Sannad kasta waxaa imtixaannada qaran u fariista ardayda fasalka siddeedaad ee dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa fasalka afaraad ee dugsiyada sare.
Xarumaha waxbarashada ee dalka ayaa xiran tan iyo bartamihii bishii saddexaad ee sannadkan waxayna tani qeyb ka tahay dadaallada lagu xakameynaya faafitaanka cudurka Covid-19.
Ardayda ayaa guriyaha ku sugan waxayn dowladda sheegaysa inay casharrada qaab online ah ku qaadanayaan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here