Imtixanaadka KCPE iyo KCSE oo loo fadhiisan doono biisha Maarso ee 2021-ka

Ardayda fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexe iyo ardayda fasalka afaraad ee dugsiga sare ayaa imtixaanka shahaadiga ah u fadhisan doona bisha Maarso ee sannadka 2021-ka kaddib markii wasaaradda waxbarashada ay maanta shaacisay wakhtiga ay ardayda iskuulada dib ugu laabanayaan.
Wasaaradda tacliinta ee dalka ayaa sheegtay in ardayda fasalka sideedaad ay si rasmi ah imtixaankooda u fadhiisan doonaan 22-ka bisha Maarso iyagoona dhamaynaya 24-ka isla bishaas.
Ardayda fasalka afaraad ee dugsiga sare waxaa ay si rasmi ah imtixaankooda u bilaabi doonaan 25-ka bisha maarso iyagoona soo gabagabaynaya 16-ka bisha Apriil ee sannadka 2021-ka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here