In ka badan 1.8 milyan oo uu saameeyay caabuqa Coronavirus

Tirada dadka uu haleelay cudurka Covid-19 ee uu sababo cudur sidaha coronavirus guud ahaan caalamka ayaa kor u dhaaftay 1.8 milyan oo qof.
Sido kale kiisaska dhimasho ee laga soo tabiyay wadamada Faransiiska iyo Talyaaniga ayaa u muuqato inay hoos u dhacday.
Talyaaniga ayaa tan iyo 19-kii bishii saddexaad ee sannadkan waxaa laga diiwaangeliyay dhimashadii ugu yareyd ee maalinla ah .
24-tii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha wadankaas waxaa cudurka ugu dhintay 431 qof marka loo barbardhigo maalin ka hor oo tiradan lagu sheegay 619 .
Faransiiska waxaa laga soo tabiyay 315 kiis oo dhimasho ah halka maalin ka hor ay ahayd 345.
Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa galinka dambe ee maanta la filayaa inuu khudbad qaran jeediyo .
Guud ahaan caalamka waxaa cudurka Covid-19 u dhintay in ka badan 114,000 qof halka 422,000 kalena ay ka bogsadeen sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins oo kiisaska xanuunka si dhow ula socoto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here