In ka badan 10 ka mid ah ciidamada Liibiya oo la dilay

Wararka naga soo gaaraya dalka Liibiya ayaa sheegaya in dagaal halkaas ka dhacay lagu dilay ugu yaraan 11 ka mid ah ciidamada wadankaas.
Waxaa saraakiisha lagu laayay weerar laga fuliyay meel aan sidaas uga fogeyn magaalada galbeed ee istaraatiijiga ah ee Misrata.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo ciidamada uu hoggaamiyo Khalifa Haftar ay dhankaas ku sii dhawaanayaan.
Wararka ayaa intaas ku daraya in la dhaawacay 100 kale oo dheeraad ah.
Ciidamadan oo ku kacsan dowladda uu caalamka aqoonsan yahay ee uu fadhigeedu yahay magaalada Tripoli ayaa dagaal kula jiray tan iyo bishii Afaraad ee sannadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here