In ka badan 10 qof oo ku dhimatay dab ka kacay xarun caafimaad oo ku taalla Romania

Ugu yaraan 10 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay dhinteen kaddib dab qabsaday qaybta daryeelka degdegga ee isbitaal lagu daaweeyo dadka uu soo ritay cudurka COVID-19 oo ku yaalla wadanka Romania.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay magaalada Piatra Neamt oo masaafo dhan 353 kiilimitir dhanka waqooyi kaga beegan caasimadda Romania ee Bucharest.
Khasaaraha nafeed ee dabka ka dhashay waxaa warbaahinta u xaqiijisay afhayeenka waaxda maareynta xaaladaha degdegga ee wadankaas Irina Popa.
Waxay dhaawacyo culus soo gaareen 7 qof oo dheeraad ah.
Wasiirka caafimaadka ee Romania Nelu Tataru ayaa warbaahinta maxalliga u sheegay in dabka halkaas ka kacay loo aaneynaya cillad dhanka korontada ah .
Dalka Romania waxaa ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay in ka badan 353,000 oo ah xaaladaha caabuqa corona waxaana u dhintay ku dhawaad 9,000 oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here