In ka badan 100 ka mid ah shaqaalaha baarlamaanka oo isku diiwaangeliyay qaabka casriga ah

Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Mr. Justin Muturi ayaa shaaca ka qaaday in ugu yaraan 100 ka mid ah shaqaalaha golahaasi ay isku diiwaangeliyeen qaabka cusub ee casriga ah ee loo yaqaano NIIMS ama Huduma Number.
Mr. Muturi ayaa arrinkan sheegay kaddib markii uu iska diiwaangeliyay xarunta baarlamaanka isagoo xildhibaanada , senetarada iyo guud ahaan Kenyaanka ku booriyay inay fursadda ka faaiideystaan.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hoosta ka xariiqay in howsha diiwaangelinta ay tahay mid fudud sidaasi awgeedna aanan la doonayn in qofku uu qiil ka dhigto inaynan u suurtagelin.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa dhankiisa wasaaradda arrimaha gudaha ugu baaqay inay dardargeliso bixinta aqoonsiga qaran si dad badan ay u qaataan nambarka Huduma.
2-dii bishii afaraad ee sannadkan ayaa si rasmi ah xariga looga jaray diiwangelinta casriga ah iyadoo madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu xilligaasi beeniyay in howshan dano gaar ah laga leeyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here